Muqdisho-RisaalaFM- Dabley hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka waxa ay ku dileen Agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Duleedka magaalada Muqdisho.
Kooxda dilka geysatay oo aheyd laba dhalinyaro ah ayaa Askariga waxa ay ka toogteen qeybta sare ee jirkiisa, goobta ayayna ka baxsadeen kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.
War ururka Al-shabaab ay ku baahiyeen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilka Askarigan.
Shalay oo ugu dambeysay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan waxaa ka dhacay Qarax gaarigiisa loogu xiray Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Xirsi, oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, kaasi oo dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxaasi.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe wuxuu ahaa mid hagaagsan oo aysan ka jirin falal lidi ku ah dhanka ammaanka oo Magaalada ka dhacayay.



