Askari katirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho ku dilay Wiil Mooto Bajaajle ahaa

Dilka Wiilka ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaajta ayaa waxaa Maanta uu ka dhacay Bar-koontotool oo laga hubiyo Gaadiidka, taas oo kutaalla Shaleemo Nasri oo u dhexeysa isgoyska Banaadir & Isbitaalka digfeer ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Askari katirsan Ciidamada dowladda uu ka dambeeyay dilka loo geystay Wiilka oo lagu Magacaabi jiray Anas Yuusuf Maxamed, xilli uu ku guda jiray howl maalmeedkiisa Shaqo ee caadiga ah.

Wararka la helay ayaa sheegaya in dilka darawalka Mooto Bajaajlaha ahaa ka dambeeyay kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay labadooda, waxaana Goobta isaga baxsaday Askarigii dilka geystay

Qaar kamid ah ehellada Wiilka la dilay oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Sarkaalka xukumaya Barta-koontorool ee uu dilka ka dhacay uu inkiray in Askariga uu katirsan yahay Ciidamada uu xukumo, waxanaa ay dalbadeen inay cadaalad u helaan dilka wiilkooda.