Eedeysanayaal Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa loo heystaa in ay dileen Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed oo si wada jir ah ugu safrayay waddada agfooye taarikhdu markey aheyd 25-ka bishaii 9-aad Sanadii 2018.
Eedeysanayaal Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa dhigtay jid-gooyo ay kaga qaadaan baad shacabka ku safraya wadada dheer ee Afgooye, Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed ayaa ahaa wadaha gaariga iyo qof dhinac fadhiyay, waxaana wadaha gaariga lagu amray in uu bixiyo baad oo markii hore ku cusleyd balse Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale uu amray in uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixiyo lacagta laga rabo, waxa uu go’aansaday wadihii gaariga in uu isfurto laakiin Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle oo ahaa shaqsiga sida gaarka ah gaariga u hortaagnaa ee weydiiyay baadda ayaa sabab u noqday xabad uu riday in ay isku marto labada marxuum taasi oo ay ka dhalatay geeridooda.
Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhiga markaatiyaal wax laga weydiiyay dhibaatadii dhacday, waxa ayna sheegeen dadkii ka hor hadlay fadhiga maxamadda in laba eedeysane midkood uu amray in uusan dhaqaaqin gaariga inta ay bixinayaan baad ay ka doonayeen, markii arrintaas timid ayaa darawalka gaariga garowsaday in uu iska bixiyo waxa laga rabo si noloshiisa uu bad-baadiyo.
Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda in Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay waxa ayna maxkmadda ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qistaasta marxuumiinta Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed halka Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah.
Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka maxkamadda darajada koowaad.



