Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaan rumaysaneyn in kubada cagta Ingariiska ay dhibaato ku tahay amaanka aan xadidneyn ee garoomada lagu dheelayo.
kadib markii dhibaato badnaa ay hareesay ciyaartii wareega afaraad ee EFL Cup West Ham iyo Chelsea arbacadii Wenger ayaa ka deyriyay xaaladaaas oo kaliya hadii ay siisocato xiisaha kubadda cagta England.
Wenger, oo 67 jir ah, ayaa soo jeediyay in lagu soo kordhiyo Horyaaalka England sharci ah in aan loo ogolaan taageerayaasha in ay istaagaan goolka gadaashiisa, kaasoo ahaa sharci hore ugu jiray Horyaalkaan.
“Lama oran karo 200 oo qof waa dhibaato guud oo dalka oo dhan ah,” ayuu yiri Wenger oo Arsenal kusugan tan iyo 1996 saxaafada u sheegay.
“Waxaan rajeyneynaa in West Ham ay ka takhalusi doonaan dhibaatada sida ugu dhakhsiyaha badan,Anigu waxaan ahay mid taaageersan qorshaha looga mamnuucayo taageerayaasha goolka gadaashiisa ,waayo taaas xayaysiin fiican uma ahan kubadda cagta ayuu hadalkiisa ku daray.
kooxda Championship ee Brighton ayaa suurta gal ay tahay in ay ka hirgeliso sharcigaan Stadium Amex madaama dhibatooyinka taageerayasha loo maaaro waayay.


