Tababaraha Spain Oo Xulkiisa Ugu Yeeraya David Villa

Tababaraha Spain Julen Lopetegui ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga New York City David Villa laga yaabo in loogu loogu yeero xulka qaranka ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay kooxdiisa.

Villa ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee gooldhalinta Horyalka MLS-ka dib markii uu dhaliyay 23-gool 33 kulan oo uu u saftay kooxdiisa.

Waxa uu sheegay in waqtigaan macquul ay tahay in Spain loogu yeero ninka ugu goolasha badan xulkaan si uu kaga caawiyo xulka inuu markale guuleysto.

“Runta waxa ay tahay in aan isaga si aad ah uu u wanaagsan yahay wuxuu u ciyaarayaa qaab xoog leh oo aan u baahanahay inaan ka faa’iideysano ayuu yiri macalinka Spain Julen Lopetegui .

Inkastoo 34 sano jirkaan Villa lix gool uu dhaliyay afartii kulan ee ugu dambeysay Horyaalka Marekanka, haddana waxaan la ogeyn sida uu boos kaga heli kari xulka haddi uu kusoo laabto.