Arsene Wenger ayaa isaga baxay shirkii jaraa’id ee kadib kulankii North London Derby xilli ay guuldaro 2-0 ah kala kulmeen Tottenham Hotspur.
Guuldaradii soo gaartay Arsenal waxey ka dhigan tahay in Spurs ay 22-sano kadib ku dhameysaneyso meel ka sareysa Gunners, 1995 ayaana ugu dambeysay mana dhicin sidaas mudada Arsene Wenger.
Arsenal waxey fadhisaa booska 6-aad ee horyaalka iyadoo 17-dhibcood ka hooseysa Spurs oo booska 2-aad ku jirta halka ay 21-dhibcood ka hooseyso hogaamiyayaasha horyaalka Chelsea.
Arsene Wenger ayaa isaga baxay wareysiga iyadoo wariyaha Sky Sports Patrick Davison uu doonayay inuu weydiiyo su’aashii ugu dambeysay.


