Arsenal ayaan ka heeysan rikoor wanaagsan shantii kulan ee ugu dambeeysey ee ay la ciyaartayt kooxda Swansea City,Arsenal ayaa laga adkaaday kulamadaasi seddex jeer , halka ay bar bar dhac gashay hal kulan.
Marka la joogo garoonka Emirates , Swansea City ayaa guul la aan ah afartii kulan ee ay booqatay halkaas, waxaa ay badisay seddex kamid ah afartaasi safar.
Swansea City ayaa shaqeeystay ugu yaraan laba dhibcood kulankiiba marka ay booqato Arsenal,waana rikoorkooda ugu fiican booqashadooda Emirates.
Garoonka: Emirates Stadium
Saacadda geeska Afrika: 5:00pm
Mid kasta oo kamid ah afartii kulan ee ugu dambeeysey Swansea ay booqatay Emirates, ayaa goolasha heleeysey wixii ka dambeeya 78 daqiiqo.
Macalinka cusub ee kooxda Swansea City ayaa noqday Macalinkii ugu horeeyey ee mareeykan ah kaasi oo hogaamiya koox ka dhisan Primer League.
Arsene Wengar ayaa ka adkaaday macalimiinta kulamada ugu horeeyey hogaaminayaan kooxda loo dhiibo, balse waxaa uu ka adkaan waayey Slaven Blic iyo Stuart Pearce oo ahaa hogaamiyaha kooxda Nottingham Forest.
Leroy Fer ayaa dhaliyey afar gool 7dii kulan ee ugu dambeeysey ee ay la dheeleen Primer League.
Arsenal ayaa ku guuleeysatay inay shabaqeeda ilaashato afartii kulan ee ugu dambeeysey ay tartamada oo dhan ciyaartay.


