RW Soomaaliya oo kusii jeeda magaalada Garoowe

Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu saakay soo gabagabeeyay wadahaladii uu la lahaa madaxda maamulka Galmudug ee ku aadana colaada u dhaxeysa ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wariyeyaasha ku sugan Magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya uu ka duulay Garoonka Magaalada Cadaado isagoo kusii jeeda Magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Ra’iisulwasaaraha ayaa lagu wadaa in uu kulamo kala duwan la qaato Madaxda maamulka Puntland oo uu kala hadli doono colaada ka taagan magaalada Gaalakcyo.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa shalay Gaaray Magaalada Cadaado , waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha ciidanka iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.