Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa saaka degan ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ay ku dagaalameen Galbeedka magaalada Gaalkacyo.
Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.



