Kooxda tababare Unai Emery ayaa diyaar u ah in ay dib u gasho suuqa kala iibsiga marka lagaaro bishaa January ee sanadda soo aada.
Arsenal ayaana si aad ah ugu baahi qabta daafac tayo leh oo ka ciyaari wadnaha dhexe, halkaas oo loo arko meesha sida aadka ah uga dabacsantahay kooxda Emirates.
Si kastaba ha ahaatee Real Madrid ayaa iyaduna dhankeeda ka waqrqabta sida ay ugu baahantahay daafac ka ciyaari kara qalabadda dhexe maadaam uu Sergio Ramos kaliya yahay daafaca ay ku duulayso kooxda Bernabeu.
Sida ay daabacday majaladda kasoo baxda England ee The Sun Arsenal ayaa tartan xooggan kala kulmaysa kooxda Real Madrid xiisaheeda ku aaddam daafaca Espanyol Mario Hermaso.
Hermaso ayaa waqtigan loo tixgaliyaa in uu kamid yahay daafacyada soo baxaya e ugu tayada bada qaaradda yurub.
Labadan kooxood ee ka kala ciyaara La Liga iyo Premier League ayaana doonayaa in ay midba midda kale kaga adkaato saxiixda daafacan.



