Arsenal oo saxiixii saddexaad ku dhawaaqeysa

Goolhayaha Dijon Runar Alex Runarsson ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona Arsenal saacadaha sooscda, sida ay wararku sheegayaan.

Gunners ayaa heshiis 1.5 milyan euro ah la gaartay kooxda reer France waxana ay haatan qarka u saaran yihiin dhamaystirka heshiiska.

Runarsson waxaa si dhaqso ah u cadeeyay Arsenal inuu yahay bedelka Emiliano Martinez, kaasoo dhameystiray heshiis 20 milyan ginni ah oo uu Arbacadii ugu dhaqaaqay Aston Villa.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, 25 jirkaan ayaa haatan lagu wadaa inuu dhameystiro baaritaanka caafimaad oo uu ku marayo London isla markaana uu ku dhameystiri doono ku biiristiisa Gunners.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Arsenal ay weli u furan tahay saxiixa goolhayaha Brentford David Raya, inkastoo Runarsson uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro kooxda.

Gunners ayaa raadineysa inay lasoo saxiixato Raya xagaagan laakiin waxay u ogolaatay inuu baaqi kusii ahaado Brentford inta ka dhiman xilli ciyaareedka.

Runarsson, dhanka kale, wuu imaan doonaa isagoo ah bedelka Bernd Leno, kaasoo ku soo bilowday kulankii Arsenal 3-0 kaga badisay Fulham Sabtidii.

Goolhayaha Iceland ayaa horay ula soo shaqeeyay tababaraha haatan ee goolhayaha Arsenal, Inaki Cana, waqtigii ay kuwada sugnaayeen kooxda reer Denmark ee Nordsjaelland.

Runarsson ayaa shan kulan usaftay xulka qaranka Iceland wuxuuna ku jiray xulkii ciyaaray Koobkii Adduunka ee 2014