Arsenal oo qandaraas cusub kasoo dalbatay Alex Oxlade-Chamberlain

Arsenal ayaa qandaraas cusub oo afar sanno ah kasoo dalbatay xiddigeeda qadka dhexe ee reer England Alex Oxlade-Chamberlain, iyadoo xiddigaan loo ballan qaaday mushaar dhan 125 kun oo ginni Isbuucii haddii uu saxiixo qandaraaskaan, Gunners waxay dooneysaa inay meesha ka saarto xiisaha ay Chelsea u qabto Alex Oxlade-Chamberlain.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa bartilmaameed sarre ka dhigtay xiddigaan reer England, iyadoo Chelsea ay ku dalabatay 40 milyan oo ginni.

Oxlade-Chamberlain wuxuu ka mid yahay xiddigaha Arsenal ee qandaraaskooda sannadku ka harsan yahay kuwaasoo kooxda beeca xorta ah uga tegi kara xagaaga soo aadan haddi aysan qandaraas cusub saxiixin, waxaana liiskaan kula jira Alexis Sanchez iyo Mesut Ozil.

Alex Oxlade-Chamberlain ayaa xitaa ka fikiraya inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Stamford Bridge maadaama ay Chelsea diyaar ula tahay mushaar ka wanaagsan midka Arsenal – laakiin tababare Arsene Wenger kooxdiisa ayaa haatan hurdada ka kacday iyadoo xiddigaan kasoo dalbatay qandaraas cusub oo uu Todobaadkii ku qaadanayo 125 kun oo ginni.

Maamulka Arsenal ayaana haatan aaminsan inuu 24 sanno jirkaani haatan aqbali doono dalabkooda. Kooxda ka dhisan Waqooyiga London ayaa sidoo kale ku rajo weyn inuu Sanchez kooxda sii joogi doono, inkastoo ay Sabtdiii guul 1-0 ah kala kulmeen Stoke City.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester City ayaa si waalli ah u dooneysa Sanchez iyadoo xiddigaan usoo bandhigtay mushaar dhan 300 kun oo ginni Isbuucii si uu ugu soo dhaqaaqo Etihad Stadium.