Ciidamo Burundi ka socda oo soo gaaray Muqdisho “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Koox cusub oo ka mid ah Ciidanka Qaranka Burundi (BNDF) ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kuwaas oo hal sano oo shaqo ah uga bilaabanayso Soomaaliya, iyagoo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaliya AMISOM.

Guutadii 45-aad oo ciidanka Burundi ka mid ah islamarkaana uu hoggaaminayo Lt. Col. Philbert Hatungimana, ayaa ka soo degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxayna bedeli doonaan guutooyinka 39-aad oo shaqadooda dhameystay.

“Rajadayda howlgalkan waxaan ka qeyb qaadan doonaa soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya si dadka Soomaaliyeed mar kale u hantaan nabadda wadankooda,” ayuu sheegay Col. Hatungimana.

Sidoo kale Lt. Col. Hatungimana ayaa xusey in guutadan cusub loo daabuli doono magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeele islamarkaana si dhow ula shaqeyn doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Burundi ayaa ah dalka labaad ee ugu badan ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM marka laga soo tago dalka Uganda, waxaana wadamada kale ee ciidanka ku deeqay ka mid ah Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo kuwo kale.