Arsenal oo dooneysa Victor Wanyama.

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay  cusbooneysiyeen xiisahooda ciyaaryahanka khadka dhexe ee Southampton Victor Wanyama.

Burburiyaha khadka dhexe ayaa muddo dheer diirada u saarnaa kooxda Arsenal, laakiin Saints ayaa diiday xiisaha uga imaanaya Gunners ciyaaryahankeeda.

Mathieu Flamini iyo Mikel Arteta ayaa labadoodaba qarka u saaran inay ka tagaan Emirates, Wenger ayaana raadinaya badelkooda macquulka ah.

Xiddiga u dhashay Kenya ayaa soo jiitay indhaha kooxda Arsenal mar kale ayayna isku dayi doonaan saxiixiisa.

Arsenal ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Newcastle Rolando Aarons.

Xidigan 20-sano jirka ah ayaa lagu wadaa inuu ka tago St James ‘Park dhamaadka xilli ciyaareedkan.