Arsenal ayaa xaqiijisay inay dhameystirtay saxiixa xiddiga aanan ka ciyaarin wax Horyaal ah ee lagu magcaabo Cohen Bramall kaasoo katirsanaa kooxda Hednesford Town.
Daafaca bidix ee 20-sano jirka ah ayaa ku biiri doona kooxda Arsenal Under 23-ka dib markii uu qaab ciyaareed wanaagsan ka sameeyay kooxdiisa.
kooxda Crystal Palace ayaa isha ku heysay xaalada ciyaaryahanka laakiin waxaa ku garaacday Gunners oo muddo oo kusoo qadatay £40,000.
Waan ku faraxsanahay in aan ku biiray kooxda Arsenal, waxaan rajeynayaa in aan wax badan kula guuleysan doono “ayuu yiri Bramall.


