Arsenal ayaa dalab rasmi ah miiska u saartay faloobka kooxda Barcelona Arda Turan, sida laga soo xigtay shabakadda Don Balon.
Keliya 12 bilood ka dib markii uu kusoo biiray camaaliqada reer Spain ee Barcelona iyo todobo bilood ka dib markii uu saftay kulankiisii ugu horreeyey ciyaar rasmi ah ee Barcelona, xiddiga heerka caalami ee dalka Turkey ayaa haatan lasoo dhigay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaagaan ka dib markii uu ku guuldareystay inuu saameyn muuqata ku yeesho kooxda ka dhisan Camp Nou.
Barcelona ayaa kula soo saxiixatay Turan adduun lacageed dhan 35 milyan oo ginni xagaagii lasoo dhaafay markaasoo ay kala soo wareegtay kooxda Atletico Madrid, laakiin waxay haatan diyaar u tahay inay ku iibiso keliya 23 milyan oo ginni, kooxda illaa haatan dalabka ugu sarreeya kasoo gudbisay 29 sanno jirkaan waa kooxda ka dhisan dalkiisa ee Galatasaray oo kusoo dalbatay 17 milyan oo ginni.
Arsenal ayaa sidoo kale tartan ku aadan saxiixa xiddigaan waxay kala kulmeysaa Borussia Dortmund, iyadoo Barcelona ay isha ku heyso inay iska iibiso ka hor inta aysan lasoo wareegin kubadsameeyaha Valencia iyo xulka Portugal Andre Gomes.


