Arsenal & Man Utd Oo Dalab Ka Gudbiyay Caawa Yaya Toure

Arsenal iyo Manchester United ayaa labadoodaba muujiyey xiisaha ay u qabaan saxiixa Yaya Toure, sida ay sheegtay caawa Sky Sports.

xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa wuxuu u muuqdaa mid laga nacay kooxda Manchester City kadib markii uu shaqada la wareegay Pep Guardiola.

Toure ayaa ku guuldareystay inuu u safto xitaa hal kulan Premier League xilli ciyaareedkan kooxdiisa Manchester City.

Waxa uu sidoo kale waayay booskiisa xiddigaha Manchester City ee loo magcaabay kulamada wareega group-yada Champions League, waxaana la sheegay in wakiilkiisa, Dimitri Seluk,xiriir ay la sameeyeen kooxaha Premier League.

Seluk, ayaa si kastaba ha ahaatee,aaminsan in Toure oo ka tagi doono City, isagoo sidookale dalab ka heysata Horyaalada Shiinaha iyo USA