Olivier Giroud, Paul Pogba Iyo Griezmann Oo Qasaariyay Xulka France

Olivier Giroud ayaa xulkiisa u horseeday niyad kulankii France ay barbaraha goolal la’aanta la galeen xulka Belarus isreebreebka koobka adduunka 2018-ka.

Weeraryahanka Arsenal ayaa seegay fursado badan halka Antoine Griezmann iyo Paul Pogba ay seegeen sidookale fursado kulankii ka dhacay Borisov Arena.

Didier Deschamps ayaa heysatay kulankaan fursado badan oo uu ku badin karay , lakiin Giroud aya intabadan birta wax uu ku dhuftay iyo wax uu qasaariyay ka dhigay fursadihii France.

Nitaajadaan ayaa niyad jab u ah xulka Les Bleus oo sanadkaan ku fashilmay in ay ciidooda ku qaadaan tartanka Euro 2016 markii Portugal 1-0 kaga badiyeen Finaalkii.