Arsenal Iyo Liverpool oo dhibcaha ku qeybsaday Emirates Stadium

Lix gool oo ay kala dhaliyeen Coutinho, Salah, Firmino, Ozil, Xhaka iyo Sanchez ayaa kusoo dhameeyay kulankii dhexmaray Arsenal & Liverpool barbaro, waxeyna noqotay ciyaar 6-daqiiqo gudahood la iska dhaliyo afar gool taasoo aheyd wax qariib ah.

Labada kooxood ma sameynin wax dhaqaaq dhanka kaalmaha ah, waxeyna wali ku wada jiraan kaalmaha 4-aad iyo 5-aad iyadoo ay faa’iido fican u tahay Burnley, Chelsea & Tottenham Hotspur.

Ciyaarta waxey ku bilaabatay si aan caadi aheyn madama labada tababare ay ciyaartoy dhanka weerarka ah kusoo wada bilaaben ciyaarta.

Daqiiqadii 26-aad ayey Liverpool hogaanka qabteen markii uu kubad lama filaan ah goosha si gadaal ah ugu leexiyay Philippe Coutinho isagoo adeegsanaya madaxiisa, waxeyna Gunners awoodi weysay iney durba iska soo gudo.

Daqiiqadii 52-aad ayey bilowdeen goolasha waalida ah, Reds ayaana heshay goolka labaad, Mo Salah ayaana dhaliyay gool ilqabad leh kadib markii uu caawinaad ka helay Firmino.

Daqiiqad kadib Alexis Sanchez ayaa dhaliyay gool rajada Gunners soo celiyay, isagoo ka faa’ideystay kubad uu soo dhigay Hector Bellerin.

Sadex daqiiqo kadib Granit Xhaka ayaa si awood leh kubad barbaro ah kooxdiisa ugu dhaliyay, waxeyse sheekada xiiso yeelatay markii Ozil uu gool qurux badan si tartiib ah uga dul bootiyay Mignolet kubadda daqiiqadii 58-aad.

Liverpool waxey ku qasbanaatay iney raadiso gool barbardhac ah daqiqadii 76-aad ayeyna heleen markii Roberto Firmino uu shabaqa soo taabsiiyay kubad kusii dhacday Petr Cech.

Waxaa la daawaday mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha iyo xamaasadda badanaa xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxeyna labada kooxood ku kala baxeen barbaro 3-3.

Natiijada waxey kusoo dhamaatay 3-3, Wenger iyo wiilashiisa ayaana xalay sameeyay soo laabasho aan caadi aheyn wallow aysan guul u helin.