Argentina Oo Afka Ciida Loo Dooray, Brazil Oo Badisay Iyo Vidal Oo Noqday Halyeyga Chile

Saakay aroorti ayey dhaceen qaar ka mid ah kulamo ka tirsan is reeb reebka koobka aduunka oo ay ciyaareen wadamada Koonfurta America.

Argentina 0 – 1 Paraguay

Argentina 0-1 Paraguay: Gonzalez grabs victory over sub-par Albiceleste

Sergio Aguero ayaa ku fashilmay inuu dhaliyo rigoore loo dhigay xulkiisa Argentina kuwaas oo markii ugu horeysay gurigooda looga badiyay kulan ka tirsan is reeb reebka koobka aduunka waxaana 1-0 kaga adkaatay Paraguay.

Derlis Gonzalez ayaa hogaanka ciyaarta u dhiibay Paraguay daqiiqadii 18 aad ee qeybtii hore laakiin markii nasiinada laga yimid ayey Argentina heshay gool kulaad waxaana qaatay ciyaariyahanka Man City laakiin waxaa ka bad baadiyay goolhayaha Paraguay goalkeeper Justo Villar kaas oo kusoo bilaawday ciyaartisii ugu horeysay ee xulkiisa tan iyo ciyaarihii Copa America.

Chile 2 – 1 Peru

Chile 2-1 Peru: Vidal the hero for hosts

Labo gool oo uu dhaliyay Arturo Vidal ayaa ka caawisay Chile iney 2-1 ku garaacaan xulka Peru kulan ka tirsanaa is reeb reebka koobka aduunka.

Xulka tababare Juan Antonio Pizzi ayaa wali sii wada saboonimada ololaha is reeb reebka koobka aduunka waxaana hogaanka ciyaarta siiiyay Chile Vidal balse waxaa bar bareeyay Edison Flores.

Ciyaarta oo ay 5 daqiiqo ka dhimnan tahay Vidal ayaa markale gool u dhaliyay Chile taas oo ka dhigtay in ciyaartu kusoo idlaato 2-1.

Venezuela 0 – 2 Brazil

Venezuela 0-2 Brazil: Gabriel Jesus & Willian send Selecao to victory

Brazil ayaa timid kaalinta koowaad ee wadamada qaanada CONMEBOL ee is reeb reebka koobka aduunka kadib markii ay 2-0 uga badiyeen Venezuela ciyaar ka dhacday magaaladda Merida..

Sababta ay kaalinta koowaad uga soo galeen Group-ka ayaa aheyd bar bar dhicii Uruguay ay xalay la gashay Colombia, xulka Brazil ayaa labada gool uga mahadcelinaya xidigaha Gabriel Jesus iyo Willian.