Aqbaar wanaagsan: Modric iyo Carvajal oo taam u ah kulanka Madrid Weyn

Macalin Zidane ayaa saxaafada u xaqiijiyay in labada cayaarayahan ee muhiimka ah Dani Carvajal iyo Luka Modric kulanka Madrid Derby ka qayb qaadan karaan.

Macalin Zidane oo saxaafada la hadlaayay wuxuu yiri “Carvajal iyo Modric diyaar ayay u yihiin kulanka Atletico Madrid”

“Waxaan rajeynaa inay siweyn inoo caawin karaan madaama kooxda u baahan tahay joogitaanka Modric iyo Carvajal”

Dani Carvajal mudo ayuu Real Madrid kaga maqnaa xanuun dhanka wadnaha ka asiibay balse haatan wuu soo kabtay asigoo diyaar u ah inuu kooxdiisa caawiyo.

Modric jug ayaa soo gaartay xili uu xulkiisa Croatia u cayaarayay balse tababarkii ugu dambeeyay ayuu sameeyay waana hubaal in cayaarta Real Madrid Vs Atletico Madrid inuu kasoo muuqan doono.