Antonio Conte Oo Shaaca Ka Qaaday Wixii Uu Ku Yiri Lionel Messi

Antonio Conte ayaa shaaca ka qaaday inuu shakhsi ahaan ku amaanay Lionel Messi qaab ciyaareedkiisii quruxda badnaa ka dib markii Barcelona ay Chelsea ka reebtay Champions League habeenkii xalay.

Xiddiga reer Argentine ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulankii Camp Nou, waxaana uu caawiyey goolka kale ee Ousmane Dembele dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta.

Barcelona ayaa gaartay quarter-finalka tartanka Champions League,  iyadoo Conte ku amaanay 30-jirkaan shaqadiisii garoonka.

Waxaa la weydiiyay Conte shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, maxaad u sheegtay Messi? “Marka aad fursad u heysato inaad isku dhejiso Messi, waa inaad u sheegtaa inuu yahay xididg sarre, ‘Waxaan ka hadlayaa ciyaaryahan xilli ciyaareed kasta dhalin kara 60 gool.

‘Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan fursad u helay dhamaadka ciyaarta isaga. “Waxaan ka hadleynaa ciyaaryahan aan caadi aheyn, waa kan ugu fiican adduunka” ayuu hadalkiisa ku daray Conte.