Xiddiga garabka kaga ciyaara kooxda PSG Angel Di Maria, ayaa sheegay in uu gacmo furan kusoo dhaweynayo Neymar haddii uu kusoo biirayo Kooxda PSG xili ciyaareedkaan.
Warar kala duwan oo xan ah ayaa sheegaya in kooxda PSG ay diyaarineyso dalab lacagta lagu kansali karo qandaraaska ciyaaryahanka oo ah €222million in ay udirto kooxda Barcelona.
Laakiin Barcelona ayaa kalsooni buuxda waxa ay ku qabtaa in ay sii ceshato xiddigaan oo si weyn u doonaya inuu la shaqeeyo tababaraha kooxda PSG Unai Emery.
xiddigii hore ee kooxda Real Madrid Di Maria ayaa qaba inuu xiddigaan ku haboon yahay ka ciyaarista garoonka Parc de Princes ee ku yaala caasimada France.
“Ciyaaryahan kasta oo halkaan yimaada si wanaagsan ayaan ugu soo dhaweynayaa, halkaan waa Paris Saint-Germain” sidaasi waxaa yiri Di Maria.
“tani waa koox weyn oo raadinaysa in ay ku guuleysato koobab badan, marka si aan u helno ciyaaryahano muhiim ah cid kasta oo halkaan kusoo biireysa waxaan kusoo dhaweynaynaa gacmo furan ayuu hadalkiisa ku daray xiddiga xulka qaranka Argentina Di Maria.



