Diyaarad sida Maxaabiis oo Muqdisho kasoo degaysa

Qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta maxaabiis Soomaaliyeed  oo dhawaan Dowladda Itoobiya ay ku wareejisay dowladda Soomaaliya ayaa hadda ka socota Garoonka diyaaradaha Aadan ee Muqdisho.

Maxaabiistaan ayaa qaarkood muddo waxa ay ku xirnaayeen dalka Itoobiya, iyadoona loo heystay dambiyo kala duwan.

In kabadan 115 maxaabiis ah ayaa lafilayaa in Saacaddaha soo socda la soo gaarsiyo magaalada Muqdisho.

Wasiiro , Xildhibaan iyo Madax kale oo dowladda ka tirsan ayaa ka qeyb qaadan doona soo dhaweynta Maxaabiistaasi.

Soo deynta Maxaabiistaan ayaa timid ka dib markii dhawaan ay heshiisyo dhanka Maxaabiista ay wada gaareen dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya