Ammaanka Muqdisho oo Saaka la Adkeeyay

Ammaanka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa Saaka si weyn loo adkeeyay Xilli ay Maanta ku beegan tahay 12 April oo ah Maalintii la aas aasay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamado isugu jira Boolis iyo Nabad suggid ayaa lasoo dhoobay inta badan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Munaasabad ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu waddaa in lagu qabto Muqdisho.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Maanta u dabaal degaya 57- Sano Guuradii kasoo wareegtay Aas Aaskooda.