Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee dalka Kenya dowladda Kenya waxa ay si weyn u adkeysay ammaanka qaar ka mid ah magaalooyinka dalka Kenya.
Ilaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ay jirto cabsi xoogan oo ku aadan in ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadan dalka Kenya.
Gudoomiyaha degmada Mandera ayaa sheegay in ay Al-Shabaab doonaayaan in ay weeraraan xarumaha muhiim ka ah ee dalka Kenya , gaar ahaan degmada Mandera.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska magaalada Mombaza ayaa wariyeyaasha u sheegay in ay bilaabeen howlgal cusub oo lagu adkeynaayo amniga magaalada Mombaza.
Madaxda dalka Kenya ayaa sheegay in ay Al-Shabaab Cuuryaamiyeen Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.
Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay adkeeyeen ammaanka magaalooyinka Mandera iyo Garissa.


