Ammaanka Magaalada Boosaaso oo la adkeeyay iyo Cabsi la qabo

Ammaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa aad loo adkeeyay xilli Falalka lidiga ku ah Amniga ee ka dhacaya Magaalada ay Sare kaceen.

Hoteelada iyo sidoo kale xarumaha ay hay’adaha  kala duwan ee Puntland ayaa la geeyay Askar aad u fara badan oo loogu tala galay in ay adkeeyaan Ammaanka.

Wadooyinka  Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxa lagu arkayaa Ciidamo aad fara badan kuwaas oo   heegan ugu jira sidii gacanta ay ugu soo dhigi lahayeen kooxaha dilalka ka geysta Boosaaso.

Magaalada Boosaaso ayaa shalay lagu qaaday Weerar Bambaanooyin ah oo ay ku dhaawacmeen 5 qof oo ka mid ahaa dadka kunool Magaalada Boosaaso.