Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu wadaa in uu Maanta tago Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Ujeedka Safarka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in tahay in uu kulamo kala duwan uu la qaato Madaxda Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ay ka mid tahay ,islamarkaana uu kala hadlo Abaaraha ka jira Soomaaliya iyo sidoo kale Koonfurta Sudan.
Madaxda Geeska Afrika ayaa lagu Wadaa in ay la kulmaan Xoghayaha , islamarkaana ay usoo bandhigaan Baahiyaha ka jira Soomaaliya.
Qaramada Midoobey ayaa horay uga dayrisay Abaaraha ka jira Soomaaliya , waxaana ay dalalka Adduunka ay ka codsatay in ay wax ka qabtaan Abaaraha Madaama ay saameyn ku yeesheen qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madax ka socota dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta gaaraan Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya Si ay ula kulmayaan xoghayaha.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Guterres ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagaya dalka Kenya tan iyo intii noqday Xoghayaha Qaramada Midoobey.



