Muqdisho-RisaalaFM- Hawlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ayaa Khamiistii cambaareeyay weerar ay koox hubeysan ku dishay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska Soomaaliya oo ka dhex dhacay Masjid ku yaalla agagaarka Barxada Biyaaso Liibaro ee degmada Xamar Jajab, Afartii bishan August.
Francisco Caetano Madeira, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa weerarkaas ku eedeeyay inay ka dambeeyaan Ururka Al Shabaab, wuxuuna tilmaamay in ay u soo jeysteen laynta caruurta, dhalinyarada iyo dadka waxgalka u ah bulshada.
“Waxay marayaan Al Shabaab heerkii ugu hooseeyay, waa kuwo niyad jabsan waxayna raadinayaan inay sameeyaan fariimo ay ka mid yihiin ficilladaas oo kale, waxaan ka naxay falka dilka ah, weerarku wuxuu xaqiijinayaa in Al Shabaab aysan ixtiraameynin Diinta Islaamka, xitaa waxay dadka ku dilayaan goobaha cibaadada”. Ayuu Madeira ku sheegay hadal uu soo saaray.
Mr. Madeira ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay howlgalka Midowga Afrika ee ah in uu la shaqeeyo ciidamada amniga Soomaaliya iyo la hawlgalayaasha kale, si loo dhammeeyo dilalka aan kala sooc lahayn iyo weerarada khasaaraha wata ee Masaajidda, Hoteelada iyo meelaha kale ee ay isugu timaado bulshada.
Ugu dambeyntii Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa Shabaab ku eedeeyay inay kordhiyeen askareynta caruurta yar yar, wuxuuna tilmaamay inay ka hortagayaan falal uu ku sheegay kuwa guracan oo ay geystaan Al Shabaab.