Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ahna gudoomiyaha AMISOM Francisco Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay u baahan tahay ciidamo dheeraad ah.
Waxaa uu sheegay in hoos u dhac uu ku imaan doono ciidanka AMISOM ee Joogga Soomaaliya ,madaam ay suurta gal tahay in dowladdo badan ay kala baxaan dalka Soomaaliya ciidamada ka joogga sidaas darteedna loo baahan yahay in AMISOM lagu soo kordhiyo ku dhawaad 9000 kun oo Askari.
Francisco Madeira ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladdo badan oo ka mid ah howlgalka AMISOM ay ku hanjabeen in ay ciidankooda ay kala baxayaan Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jirto dhaqaalo xumo soo wajahday ciidanka AMISOM.
Tirada ciidanka AMISOM ee Joogga Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay adag tahay in ay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.
Hadalka kasoo baxay Francisco Madeira ayaa kusoo beegmaya Xilli dhowr dowladood ay ku hanjabeen in ay ciidankooda ay kala baxayaan Soomaaliya.


