Kooxo hubeysan oo toogtay 8 Askari 3 kalena dhaawacay

Ugu yaraan 8 Askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii kooxo hubeysan ay  weerar ku qaadeen ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda Masar oo ku sugnaa gobolka New Vellay ee dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay Barkontarool oo joogeen ciidamadaasi, waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 kale.

Weerarka ayaa dhacay Xalay sida uu baahiyay Tv-ga dowladda Masar.

Wasiirka arimaha gudaha Masar ayaa sheegay in la toogtay labo ka mid ah Kooxihii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid lagu eedeeyay in ay ka dambeysay weerarkaasi.

Todobaakii lasoo dhaafay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dileen 13 askari oo ka tirsan Booliska Masar waxaana uu weerarkaasi ka dhacay Gacanka Siinay.