AMISOM iyo K/Galbeed oo yeeshay kulan amniga looga hadlayay

Bardaale-RisaalaFM- Kulankan ay wada yeesheen maamulka degmada Bardaale, Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka, Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud ee degmadaasi.

Saraakiisha Ciidamada ee kulankaasi soo xaadirtay ayaa waxaa laga dhageystay warbixino la xiriiray amniga iyo howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay degmada iyo degaanada hoostaga.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada degmada Bardaale Cadow Cali Isaaq oo Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay guul ku soo dhamaadeen Howlgaladii isa saarka ahaa ee todobaadkan ka socday degmada.

“Maamulka Bardaale, Saraakiisha AMISOM, Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed, waxay yeesheen kulankii todobaadlaha ahaa ee amniga, shacabka waxaa looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Ciidamada, si loola dagaalamo Shabaab”. Ayuu yiri Cadow Cali Isaaq.

Degmada Bardaale ayaa dhowaan waxaa la qorsheynaya in loo sameeyo maamul cusub, waxaana socda diyaar garow arrintaasi ku aadan.

Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera), Radio Risaala, Baydhabo