DF oo ka digtay khatarta xilliga ay kacsan tahay Badda

Muqdisho-RisaalaFM- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digtay Xeebaha dalka xilliyada ay Baddu kacsan tahay, si nafsadooda aysan halis u gelin.

Sidoo kale Dowladda Federaalka ayaa doomanka fartay in shaqsi walba loo xiro Jaakada dabaasha, iyo in xilliyada Baddu kacsan tahay aysan rakaab qaadin.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay dad badan in ay ku dhinteen Badda, dadkana looga digayo in ay Badda u dhowaadaan.

Wuxuu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in arrintan loo xilsaaray in ay warbixin dheer ka soo diyaariyaan Ciidamada Booliska, sidoo kalena laga doonayo in ay ka hortagaan dadka nafsadooda ku biimeynaya Badda.

Maalmaha Khamiista iyo Jimcaha ayaa xeebta Liido waxaa u damaashaad taga dad aad u fara badan oo Dhalinyaro ay u badan yihiin, waxaana mararka qaar dhacda Meydad ay soo tufto Badda, kuwaasi oo u badan caruur.