Amar ugub ah: Balamada iyo qaabilaada Madaxweyne Deni oo la hakiyay

War qoraal ah oo maanta kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland ee Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay in ilaa intii mudo ah la hakiyay dhamaan balamada iyo qaabilaada Madaxweynaha maamulkaasi.

Isla warkaasi ayaa laamaha ammaanka ee Puntland gaar ahaan kuwooda suga ammaanka Madaxtooya lagu faray in ay amarkaasi fuliyaan oo aysan soo deynin dadka doonaya in ay la kulmaan Madaxweyne Deni.

Amarkaan ugubka ah ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku mashquulsanyahay soo xulista xubnaha golahiisa wasiirada, waxaana loo badinayaa in ilaa inta uu kaga dhawaaqayo golaha wasiirada uu amarkaani sidiisa sii ahaan doono.