Alexis Sanchez Oo Aqbalay Ku Biirista Paris Saint-Germain

Alexis Sanchez ayaa heshiis afar sanno ah la meel dhigay kooxda Paris Saint-Germain, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka France.

Waxaa la sheegay in Sanchez wakiilkiisa uu la kulmay agaasimaha PSG Antero Henrique todobaadkan markaasoo laga wadahadlay heshiiska ciyaaryahanka ugu dhaqaaqayo Paris.

Wargeyska Le Parisien ayaa sheegay in Sanchez iyo PSG ku heshiiyeen qandaraas ilaa 2021 ah, waxaana la rumeysan yahay inuu ku kacayo £ 275,000 toddobaadkii.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in PSG ay kalsooni ku qabto heshiiska in ay ku qanciso Arsene Wenger.

Paris Saint-Germain ayaa qiimo € 40 million ah o u dhigma (£ 36m) ku qadan doonta ciyarayahanka reer Chile.

Markii la weydiiyay wax ku saabsan Sanchez inuu ku biirayo PSG ka dib markii Arsenal 3-0 guuldarro ah kasoo garatay Chelsea, Wenger ayaa ku jawaabay “Waa beenta warbaahinta oo kaliya.

Markii la weydiiyay hadii uu u ogolaan doono inuu ka tago Sanchez koox, Wenger ayaa yiri: “Maya, waxa aanu sameyn doonaa wadahadal badan.