Al-Shabaab oo xukun ku fuliyay nin dhalinyaro ah

Ururka Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe xukun ku fuliyay nin ay ku eedeeyeen in uu xaday Hanti , waxaana ay ka jareen gacanta Midig sida ay sheegeen dadka kunool degaanka Ceel-Cali ee gobolk Hiiraan.

Boqolaal ka mid ah dadka degaanka ayaa isugu baxay goobta uu ka dhacay xukunka, waxaana fulisay Maxkamada Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan sida ay qoreen warbaahinta Taageerta Al-Shabaab.

Ninka gacanta laga gooyay, ayaa lagu magacaabi jiray  Cabdi Maxamed Cilmi oo 29-sano jir ah, kaasi oo sida maxkamada ay sheegtay lagu helay dambi xatooyo ah oo uu xaday dukaan ku yaala degaanka Ceel Cali.

Degaanka Ceel-Cali oo 70 Km u jira Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gacanta ugalay bilo ka hor Al-Shabaab ka dib markii ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ka baxeen degaanka.

Al-Shabaab ayaa inta badan xukuno kala duwan waxa ay ka fuliyaan degaanada ay gacanta ku hayaan.