Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen Saldhigyada Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Dagaal kooban ayaa labada dhinac dhexmaray, kaas oo geystay khasaaro kala duwan, waxaana la sheegay in Ciidamada dowladda Saddex Askari ay kaga dhaawacmeen weerarka.
Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay Amiin Mad Daruur ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab maadaama xogta ay hayeen.
Wuxuu sheegay in xilligaan howlgallo ay ku baadi goobayaan xubinihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay k wadaan degmada Bardaale ee Gobolka Baay.
Weerarkaan ay Al-Shabaab ku qaadeen degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa kusoo aadaya xilli halkaasi ay ku sugan yihiin wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed.



