Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku riday nin ay sheegeen in uu la shaqeynaayay Sirdoonka dowladda Soomaaliya.
Toogashada Ninkaasi ayaa waxaa ay ka dhacday degaanka Labaatan Jirow ee gobolka Baay.
Goobta Ninkaasi lagu tooganayay ayaa waxaa soo xaadiray Boqolaal qof oo ka mid ah dadka kunool degaanka Labaatan Jirow ee gobolka Baay.
Gudoomiyaha Maxakamadda Al-Shabaab ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa sheegay in ninka la toogtay uu la shaqeynaayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowlo Shisheeye.
Ninka xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahin Aadan Qaasin oo 37 jir ah, kaasi oo Shabaab ay ku eedeeyeen inuu ahaa jaajuus la shaqeeya Sirdoonka dowladda Federalka Somaliya.
Al-Shabaab ayaa inta badan degaanada ay gacanta ku hayaan ku toogta dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.


