Al-Shabaab oo sheegtay Mas’uuliyadda labo Qarax oo ka dhacay Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxyo loo adeegsaday labo Gaari oo ka dhacay Irida  laga galo xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane.

War lagu daabacay Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Qaraxyadaasi loo waday Hotelka Peace oo ku dhow xarunta Ciidanka AMISOM ee xalane.

Qaraxyo oo ahaa kuwo xoogan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in ay fuliyeen labo Naftood hurayaal tirsan Al-Shabaab oo waday labo Gaari oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Sidoo kale  war lagu daabacay Twitter-ka ciidanka AMISOM ayaa lagu sheegay in Qaraxyo ay ka dhaceen meel u dhow fariisin kooda ilaa iyo haddana aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay.