Sawirro+Faahfaahino horudhac ah Qarax ka dhacay Agagaarka xarunta Xalane

Sida ay sheegayaan Warar horu dhaca  oo ay heshay Idaacadda Risaala Qarax xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay meel ku dhow xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane .

Qaraxa ayaa ka dhacay Irida laga galo xarunta Xalane ee loo yaqaano Madino Gate.

Qaraxa ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Wararka waxa ay sheegayaan gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay in uu ahaa gaari weyn oo nooca xamuulka qaado ah.

Sidoo kale Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa loo waday Hotelka Peace oo ku yaalla meel ku dhow xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane
1 2