Koox hubeysan oo loo maleynaayo Shabaab ayaa afduubtay 5 oday dhaqameed oo ku safraayey inta u dhexeysa deegaano u dhow degmada Ceelwaaq ee dhanka Kenya, sida uu qoray wargeyska The Star ee ka soo baxaya dalka Kenya.
Booliska iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in kooxdan ay la socdeen gaari ku sii jeeday Ceelwaaq, waxaana la weeraray oo laga afduubtay inta u dhaxeysa Bamba Owla iyo Ires Suki.
Taliyaha Booliska Koofurta Mandheera Julius Njeru ayaa xaqiijiyay dhacdadan, wuxuuna sheegay in maamulayaasha ay ka soo ambabaxeen Wargaduud, kuna sii jeedeen magaalada Ceelwaaq.
Kooxda weerarka geystay ayaa la sheegay in ay dadka ay afduubteen u soo ka xeysteen dhanka Soomaaliya.
Halka uu falkan ka dhacay ayaa waxaa la filayaa in maalmahan soo aadan uu booqdo madaxweynaha Dalka Kenya Wiliam Ruto, waxaana ka mid ah meelaha uu tagi doono ismaamulada Isiolo, Marsabit, Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa.
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa baaritaano hor leh ka wado gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya



