Al-Shabaab oo Madax furasho ka qaatay Shaqaallo gargaar

Al-Shabaab ayaa siidaayay shaqaale gar gaar oo ay afduubteen sideed maalin ka hor ka dib markii ay ka qaateen madax furasho.

Maxamed Isaak Ibrahim oo ah agaasimaha hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka magaalada baydhabo ayaa khadka telfoonka ugu sheegay wakaalada wararka Anadolu Agency in shaqaalahaasi lasiidayay,isagoona sheegay in ay Al-Shabaab ay madaxfursho ahaan ay ugu qaateen hubka noocyadiisa kala duwan.

Shaqaalaha gar gaar ee lasiidaayay ayuu waxa uu sheegay in ay ahaayeen labo dumar ah iyo shan rag ah kuwaasi oo muddo sideed maalin ah afduub ahaan ay u haysteen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan waxa ay lacago madax furasho ah ay ka qaataan shaqaalaha hay’addaha gar gaarka  la shaqeeya ee ay afduubtaan.