Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ay ka baxeen Ciidamada Jubbaland

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay isaga baxeen deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmadaasi Dhoobleey,isla markaana ay la wareegeen Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar waxaa ay ku qaadeen deegaankaas,waxaana la sheegay in ka hor weerarka ay Ciidamada Jubbaland,isaga baxeen deegaanka,kadib markii ay ka warheleen weerarka Al-Shabaab,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dad ku sugan Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa ay sheegeen in xalay ilaa saakay gudaha deegaanka lagu arkayay xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada Jubbaland ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose weli kama hadlin ka bixitaanka Ciidamada Jubbaland ee deegaanka Dag-allamo oo  ahaa deegaan muhiim ah.

Deegaanka Dag-allamo oo hoos taga degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa waxaa Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen sanadkii 2012, waxaana jiray weeraro dhowr ah oo kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.