Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay 5 Ruux

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa fagaaro ku yaalla deegaanka Yaaq Baraawe ee gobolka Baay waxa ay ku toogteen 5 Nin oo ay sheegeen inay Sirdoon u ahaayeen dowladaha Reer Galbeedka.

Goobta fagaaraha ah ayaa waxaa ku sugnaa Boqolaal ka mid ah Shacabka deegaanka Yaaq Baraawe, waxaana dadka la toogtay ay Magacyadooda ay Shabaab ku kala sheegeen.

1: Aadan Muuday Maxamad

2: Ayuub Xasan Maxamed

3: Maxamed Isxaaq Xasan

4: Maxamuud Cabdi Isxaaq iyo Cabdi Maxamad Isxaaq.

Xubno ka tirsan Maxkamada Al-Shabaab ee Gobolka Baay oo goobta ku sugnaa ayaa waxaa ay sheegeen in ragga dilka lagu fuliyey ay qirteen dambiyada ay galeen.

Si kastaba Ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka maamulaan gobolada dalka waxa ay ka fuliyaan xukuno isugu jira dilal, Gacan-Goys iyo Xukuno kale.