Ciidamada maamulka Jubbaland iyo sidoo kale ciidanka dowladda Kenya ayaa ka baxay degmada Badhaadhe oo ay shalay ka qabsadeen Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday degmada Badhaadhe , waxaana la sheegaya in ciidamadii shalay qabsaday joogaan meel ku dhow degmada.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay shalay Gelinkii dambe ay weerar xooggan ay ku qaadeen degmada ,islamarkaana ay kala wareegeen ciidanka dowladda Kenya.
Sidoo kale Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in ay gacanta ku hayaan Magaalada.
Majiro wax war ah oo kasoo baxay ciidanka Jubbaland oo ku aadan in Al-Shabaab ay dib u qabsadeen degmada Badhaadhe.


