Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bu’aalle gobolka Jubbada dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi Al-Shabaab ay ku toogteen Afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay basaas u ahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Fagaare kuyaal magaalada Bu’aale ayaa lagu toogtay Afar Nin oo lagu soo eedeeyay Basaasiin sida ay sheegtay Maxkamadda Al-Shabaab ee jubbooyinka.
Gudoomiyaha Maxakamadda Al-Shabaab ee gobolada Jubbooyinka ayaa sheegay in ragga la toogtay ay la shaqeynaayay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowlo Shisheeye.
Afarta qof ee la toogtay ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay:
Cabdi Risaaq Xaashi Cabaas
Cumar Cadar Cumar
Max’med Aba Mayoow
Mustaf Macalim Xasan
Al-Shabaab ayaa inta badan degaanada ay gacanta ku hayaan ku toogta dadka ay ku eedeeyaan in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.


