Dowladda Thailand ayaa laga dalbaday in ay si deg deg ah u siideyso 35 qof oo isugu jira Soomaali iyo Pakistaani ,kuwaa soo lagu qabtay Howlgal ciidamada dalkaasi ay fuliyeen 21,30 iyo 31dii October.
Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dadkaasi ay ku jira Xabsiyada dalka Thailand ,islamarkaana qaarkood ay heysato xaalad adag.
Agaasimaha Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha Fortify Rights ,Amy Smith ayaa u sheegay Warbaahinta in dadkaasi ku xiran Xabsiyadda Thailand ay ku jiraan Haween iyo Carruur.
Waxaa uu tilmaamay in 4,Carruur oo Soomaali ah oo aanay jirin cid la socotaa in ay ku xiran yihiin Xabsiga Bankok.
Waxaa uu xusay in dadkaasi ay ahaayeen Magangelyo doon ,islamarkaana ay heysteen warqadaha Qaxootinimo ee ay bixiso Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR
Hay’addaasi waxa ay codsatay in dadkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan loo siidaayo ,oo xoriyadooda dib loo siiyo.



