Garowe-RisaalaFM- Magaalada Garowe ee caasimada Maamulka Puntland maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Puntland.
Doorashadan oo saakay ka bilaabatay xarumaha Jaamacadaha qaar ee ku yaalla Magaalada Garowe ayaa waxa ay aheyd mid xiiso badan, waxaana lagu doortay 4 xubnood.
Kursiga 33-aad ee xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa waxaa ku guulaysatay Canab Xasan Cilmi oo heshay 45 cod, halka Ifraax Nuur Maxamed oo la tartameysay ay heshay 4 cod, 1 codna waa uu xumaaday.
Kursiga 34-aad waxaa ku guulaystay Axmed Ismaaciil Shabeel oo helay 48-cod, halka Axmed Ibraahim Cawaale ( oo aan xarunta joogin) uu helay 2 cod, waxaa xumaaday 1 cod.
Kursiga 35-aad waxaa ku guulaystay Axmed Maxamed Axmed Dubays oo helay 42 cod, waxaana uu ka guuleystay Maxamed Saleebaan ducaale.
Kursigii 36-aad waxaa ku guulaysatay Deeqa Siciid xasan oo heshay 50cod.
37 Mudane ayaa waxa ay ka imaanayanaan Degaanada Maamulka Puntland, sida ay horey u sheegeen Madasha Qaran, waxaana harsan 1 xildhibaan oo keliya.


