AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyay dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u  sheegay in dabka uu baabi’iyay hanti badan oo ay laheyd ganacsatada isla markaasna ay xakameeyeen in dabka uu kusii fido guud ahaan Suuqa.

Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubtay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dabka .

Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan waxa dhaliyay dabka iyo dhibaatada rasmiga ah.

Dabka ayaa ka kacay qeybta Hudheyda dukaan yar oo ku yaalla, waxaana uu gaaray ilaa iyo qeybta Maacuunta oo ku dhegan Suuqa Khaliifa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu waddaa in ay taggaan Saacaddaha soo socda goobta uu dabku ka kacay si loo qiimeeyo hantida ku gubatay.