Akhriso:-Wararkii u dambeeyey Weerarkii ka dhacay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weli war ka soo saarin weerarkii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee xalay ka dhacay Dhismoyin ku yaalla Wadada Maka-Almukarama ee Magalada muqdisho.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa mudo ku dhow 20 Saacadood waxa ay ku howlanaayeen soo afjarida weerarkaas,waxana rag ka tirsan Al-Shabaab ay galeen Dhismo ku dhow Hotelka Maka-Almukarama oo lagu Magacaabo Shideeye halkaas oo ay degan yihiin dad rayid ah.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa ku howlanaa soo afjarida weerarkaas,hayeeshee saacado ka hor ayaa waxaa howlgalka kala wareegay Ciidamada Gaashaan oo ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay ku waramayaamn in Goordhow Dhismaha Shideeye uu qarax ka dhacay,taas oo keentay in inta badan Gurigaasi uu dumo,iyada oo qoyskii deganaa intooda badan Maanta laga soo badbaadiyey.,

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay  weerarkaas ayaa la sheegay inay aad u badan yihiin,hayeeshee Laamaha amniga Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.